Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland oo Loo Doortay Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)

0
93

Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland, kadib doorasho ka dhacday magaalada Garowe.

Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa wareegga Saddexaad ee Doorashada kula tartamay Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan).

Madaxweyne kuxigeenka cusub ayaa helay 47 cod, halkii Cabdi Ibraahim Warsame oo wareegga Saddexaad kula tartamay uu helay 19 cod.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash  ayaa 5-ta sano ee soo socota waxa uu heyn doonaa xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Doorashada maanta ka dhacday magaalada Garowe ayaa waxaa kor joogto ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Xubno ka socday Beesha Caalamka.