Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xannibaad ku soo rogay dhammaan Kharashaadka dowladda.

0
143

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xannibaad ku soo rogay dhammaan Kharashaadka dowladda ee ku kaydsan bankiga dhexe iyo xisaabaadka ay dowladda Puntland ku leedahay xawaaladaha gaarka loo leeyahay.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo lagu socod-siiyay wasaaradda maaliyadda,bangiga dhexe ee dowladda,xisaabiyaha guud ee Puntland iyo  xawaaladaha gaarka loo leeyahay, ayaa lagu amray in aan wax kharash ah laga saari karin, dhammaan akoonada dowladda laga bilaabo Talaadada maanta ah.

Halkan hoose ka aqriso Wareegtada lagu mamnuucay kharashaadka Puntland:-