Xasan Cali Kheyre ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub Saciid Dani.

0
65

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Dani.

“Waxaan u hambalyeynayaa madaxweynaha la doortay ee dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, waxaan Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shacabka iyo Masuuliyiinta Puntland ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdulaahi Dani.

Saciid Cabdulaahi Dani ayaa ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Puntland ee ka maanta ka dhacday Garowe, isagoo wareega Sedexaad helay 35-cod.