Dabkii Xalay Suuqa Bakaaraha Ka kacay oo Lagu Guulaystay in Ladamiyo(Daawo Sawiro)

0
51

Waxaa xalay saq dhexe lagu guuleystay in la damiyo dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo dadaal ay sameeyeen gaadiidka dab damiska ugu suuragashay in dabka la baqtiiyo.

Dabkan oo ka dhashay Koronto ayaa ka bilawday Dukaan lagu iibiyo Huudheyda, iyada oo ugu dambeyn uu ku faafay qeybaha kale ee Suuqa.

Gudoomiye kuxigeenka ammaanka iyo siyaasadda Gobolka Banaadir iyo Xubno la socday ayaa gaaray goobta dabka uu ka kacay, halkaasi oo ay indhahooda ku soo arkeen sida xaalada ay tahay.

Waxaa la xaqiijiyay dhawr qof oo shacab ah inay dabkaasi ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ganacsato ah iskuna dayayay inay goobahooda ganacsiga ay bad baadsadaan.

Dabka ayaa la xaqiijiyay inuu baabi’yay hanti badan oo ay lahaayeen ganacsato Somaliyed, kuwaasi oo iminka ku hanti beelay dabka Suuqa Bakaaraha qaybo ka mid ah baabi’iyay.

Ciidamada dowladda ayaa jooga goobta dabka uu ka kacay, waxaana dabka meelaha uu saameeyay ka mid ah Suuqa Khaliifa, Qaybta Huudheyda, Bacaadlaha Bakaaraha, qaybta Maacuunta iyo qaybaha kale carwooyinka u dhaw.

Illaa hadda lama qiimeyn karo khasaaraha hantiyadeed ee Dabkaasi ka dhashay, maadaama weli xaalad kacsanaan ah ay ka jirto Suuqa Bakaaraha.

Bishii Febraayo sanadkii 2017 ayay aheyd markii Dab xoogan xilli habeen ah uu ka kacay Suuqa Bakaaraha, xilligaasi oo ay ku dhinteen laba qof oo shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen 4 qof oo ka mid ah shaqaalaha Dab damiska.