Sargaal Ka Tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo Xabsiga Ladhigay.

0
103

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Somaliya ayaa xabsiga u dhaadhiciyay Gaashaanle Sare Yuusuf Xundubey oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Booliska.

Amarka lagu soo xiray sarkaalkan ayaa waxaa bixisay Wasaaradda Amniga Somaliya, kadib markii uu ku xad gudbay Qof Dumar ah.

Muuqaal soconayay wax ka yar Hal Daqiiqo oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa waxaa ka muuqanayay Sarkaalkan oo u awood sheeganaya Haweeneyda oo la sheegay inay aheyd xaaskiisii hore, isaga oo ugu hanjabay inuu dili doono.

Muuqaalka baraha bulshada hareeyay ayaa ahaa mid ay si toos ah ama Live u soo gashay gabadha xilliga muranka u dhaxeeyay, waxaana sarkaalka xilligaas uu xirnaa dharka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Qoraal Wasaaradda Amniga ay soo saartay ayaa lagu yiri “Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka tirsan Booliska Somaliyed oo fal foolxun kula kacay Gabar Somaliyed oo ahayd xaaskiisi hore, Degmada Shibis, marnaba looma dul qaadan doono in ciidamadu ku xad gudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Somaliyed”.

Sarkaalkan oo bishii November 2017 loo magacaabay Taliyaha Booliska qeybta Galbeed ayaa xilka laga qaaday bishii xigtay ee December 2017, kadib markii uu u hogaansami waayay amar uu siiyay Taliyaha Booliska.