Taliska Mareykanka Ee La AFRICOM Ayaa Shaaca Ka Qaaday In Duqeyn Uu Ka Fuliyay Deegaano Ka Tirsan Shabeellaha Hoose Ay Ku Dileen Xubno Ka Tirsan Dagaalamayaasha Al-Shabaab.
War Saxaafadeed Uu Soo Saaray Taliska Ayaa Lagu Sheegay In Duqeymo Ay Dhaceen Axadii Todobadkan Iyo Shalay Oo Talaado Aheyd.
Duqeynta Koowaad Ayaa Waxaa Ay Ka Dhacday Deegaanka Gardarshe, Halka Duqeynta Labaadna Ay Ka Fuliyeen Mareykanka Deegaanka Leego Ee Gobalka Shabeellaha Hoose.
Ma Sheegin Mareykanka Khasaaraha Ka Dhashay Duqeymaha Ay Ka Fuliyeen Gobalka Shabeellaha Hoose.
Taliska Mareykanka Ayaa Waxaa Ay Sheegeen In Duqeynta Ay Ka Dhacday Xarun Al-Shabaab Ay Weerarada Ka Qaadaan, Waxaana La Sheegay In Diyaaradaha Aan Duuliyaha Laheyn Ee Mareykanka Ay Bartilmaameedsadeen.