(Akhriso):-Tanzania Oo Siidaynaysa 1,900 Oo Maxaabiis Itoobiyaan Ah

0
114

Safaaradda Itoobiya Ee Dalka Tanzania Ayaa Sheegtay In Xabsiyada Laga Siidayn Doono 1,900 Maxaabiis Itoobiyaan Ah.
Go’aankan Ayaa La Qaatay Kaddib Wada Hadalo Dhex Maray Saraakiisha Labada Wadan.
Bayaan ka soo baxay Safaaradda Ayaa Lagu Sheegay In Kulamadaasi Uu Sido Kale Ka Qeyb Galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Tanzania Augustine Mahiga.
Hasa Ahaate Waxaanan Faahfaahin Laga Bixin Dambiyadii Ay Galeen Ee Loo Haystay Maxaabiista Dib U Helaya Xuriyadooda.
sidoo kale Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ka Soo Jeedo Itoobiya Ayaa Sannad Kasta Lagu Xiraa Tanzania Iyagoo Isku Dayaya Inay U Sii Gudbaan Koonfur Afrika.