Fah-Faahino:-Weerar Cirka Iyo Dhulka Ah Oo Lagu Qaaday Degmada Janaale.

0
60
A border patrol helicopter searches for immigrants who illegally crossed the border from Mexico into the U.S. in the Rio Grande Valley sector, near McAllen, Texas. REUTERS/Loren Elliott

faahfaahino ka soo baxaya  degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay weerar khasaaro geystay oo lala eegtay Saldhig ciidamada Alshabaab ku leeyihiin Degmada Janaale.

Weerarka oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda weerar ku qaadeen deegaanka waxaana kadib xigay duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday deegaanka.

Alshabaab ayaa baahiyay inay iska caabiyeen weerar kaga yimid ciidamada ajaaniibta ah islamarkaana ay gacanta ku hayaan degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

  1. Weerarka waxaa ka horeeyay duqeyn xagga cirka ah iyadoo kadib weerar dhanka dhulka ah lagu qaaday degmada Janaale.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in weerarka uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray xubnaha Alshabaab ee kusugnaa saldhiga degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya iyo taliska Mareykanka ee Africa kaasi oo ay kaga hadlayaan weerarka ka dhacay Janaale.