Wararkii Ugu Dambeyey Puntland Oo U Digtay Ciidamada Amniga Boosaaso.

0
89

Taliyaha Ciidmada Booliska Puntland Muxyadiin Axmed Muuse oo ciidamo tababar ugu soo xiray magaalo xeebeedka Boosaaso ayaa kula dardaarmay in ay la yimaadan hab dhaqan wanaagsan oo lagu wajihi karo nabadgalyada magaaladaasi.

Askartan ayaa looga digay in ay isticmaalaan Maan dooriyaha, haddii ay amarkaasi jabiyaana taliyuhu waxa uu sheegay in ay marin doonan ciqaaba adag.

Sidoo kale ciidamadan oo ah kuwa Boolis ah ayaa looga digay in aysan gashan dharka shacabka, xilliyada ay ku jiraan howlaha shaqo.

Awaamiirtan ayaa imaaneysa, xilli dhawaan uu madaxweyne Deni Boosaso u diray taliyaha Booliska maamulka Puntland iyo ciidamo uu horkacayo, si ay wax uga qabtaan caqabadaha dhinaca amni ee ka jira magaladaasi.