Baarlamaanka Dalka Ruushka Oo Ansaxiyay Sharci Mamnuucaya In Dowladda La Dhaliilo.

0
137

Baarlamaanka Dalka Ruushka Ayaa Lagu Soo Warramayaa Inuu Meel Mariyay Sharci Mamnuuc Ka Dhigaya In Dowladda Talada Haysa La Dhaliilo .
Sharcigan Ayaa Sido Kale Xayiraad Saaraya Warbaahinta Iyo Baraha Kale Ee Online-Ka Ah Haddi Ay Gudbiyaan Warar Loo Arko Kuwo Dowladda Lagu Aflagadeynayo.
Sido Kale Hindisa Sharciyeedkan Ay Xildhibaanada Ruushka Qalinka Ku Duugeen Ayaa Qeexaya In Ciqaab Adag La Mariyo Shaqaalaha Warbaahinta Iyo Dadka Baraha Bulshada Ku Qoro Wararka Been Abuurka Ah.
Qofkii Lagu Helo Dambi Ah Inuu Xushmad Darro U Muujiyay Dowladda , Hay’adaheeda Iyo Astaamaha Lagu Garto Maamulka Waxaa Suurtagal Ah In La Xiro 15 Maalmood.