Daawo:-Meydka Wasiirkii Dastuurka Oo Laga Soo Dajiyay Garoonka Diyaaradda Aaden Cadde.

0
223

Allaha u naxariistee waxaa goor dhaweyd Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho laga soo dajiyay maydka Wasiirkii Dastuurka Somaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil oo Jimcihii ku geeriyooday dalka Imaaraadka.

Masuuliyiin fara badan oo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya ayaa ku sugan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kuwaasi oo ka qayb galaya aaska Marxuumka loo sameynaayo.

Salaada Janaasada Maydka Marxuumka ayaa la qorsheeyay in lagula tukado Garoonka Aadan Cadde, kadibna maydka Marxuumka loo qaado Isbitaalka Madiina si aas qaran halkaasi loogu sameeyo.

Wasiir C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa u dhintay xanuun deg deg ah oo soo wajahay, xilli dalka Isu taga Imaaraadka Carabta uu u joogay ka qayb galka Xafladda arooska Gabadhiisa.

Wadooyinka Muqdisho ayaa loo xiray aaska Qaran ee maanta loo sameynaayo Wasiirkii Dastuurka Somaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil.