Fah-Faahino Ka Soo Baxaya Malayshiyaad Saakay Ku Dagaallamay Magaalada Gaalkacyo.

0
116

Wararka ay starfm ka helayso magaalada gaalkacyo ayaa sheegaya in saakay halkaasi uu Dagaal Malayshiyaad Hubaysan Ku Dhexmaray Aga’gaarka Xabsiga Weyn Ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Ugu Yaraan 2 Ruux Ayaa Ku Dhimatay 5 Kalena Waa Ku Dhaawacantay Dagaal Saaka Malayshiyaad Hubaysan Ku Dhexmaray Aga’gaarka Xabsiga Weyn Ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Malayshiyaadka Ayaa Ku Dagaallamay Bogcado Ku Yaalla Dhul-Bannaan Oo Dhanka Waqooyi Galbeed Kaga Beegan Xaafadda Garsoor Ee Magaalada Gaalkacyo Halkaas Oo Maalmahan Uu Ka Taagnaa Khilaaf-Dhul Sida Uu Warbaahinta starfm U Sheegay Weriye Jooga Gaalkacyo.

Dagaalka Oo Bilowday Subaxnimadii Hore Ee Saaka Ayaa Haatan Istaagay Inkastoo Weli La Maqlayo Rasaas Goos-Goos Ah Sida Ay Sheegeen Qaar Kamid Ah Dadka Ku Sugan Nawaaxigaasi.

Sidoo Kale Waxay Sheegeen In Malayshiyaadkii Dagaallamay Ay Weli Joogan Meela Isu’ Muuqda Islamarkaana Aysan Jirin Cid Kala Dhexgashay.