DEG DEG:-Qarax Goor Dhaw Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0
43

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay Wadada shaqaalaha, kaasoo ahaa gaari kuwa raaxada ah oo lagu xiray waxyaabaha qarxa.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa ayaa lagu xiray gaari uu lahaa Taliyaha qeybta Baarista CID Cumar Bile.

qaraxa uu ka dhacay agagaarka Banaadir Palaza oo u dhaxeysa Isgoyska Shaqaalaha iyo Taree Biyaano ee Wadada Maka Al-Mukarama.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, kuwaasoo gebi ahaanba wadada xiray.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ah wadada ugu badan ee qaraxyada ka dhacaan, waxaana todobaadyo ka hor ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Hotel Maka Al-Mukarama.