kumuu ahaa ninkii soo muuqday asigo ashahaadanaayo kadib weerarkii  masaajidka New Zealand

0
75

Waxaa ku faafay baraha bulshada sawiro badan kadib dhacdadii dhiiga badan uu ku daatay ee uu u geystay nin cadaan ah oo u dhashay wadanka  Usturaalya dad muslimiin ah oo ku tugaanayey Salaadii jimcaha laba misaajid oo ku yaalo dalka New Zealand

Mid ka mid ah Sawiradii laga qaaday dhacdadaasi ee aadka ugu faafay baraha bulshada ayaa  ahaa qof ka mid ahaa dadkii dhaawacmay oo  Ambalaas asoo saaran soo muuqday isagoo waliba  hal-far kor u taagayo, una  muuqday inuu ahaa qof  Ashahaadanayo.

Mid kamid ah wargeysyada ayaa sheegay in qofkaasi u ahaa Muwaadin Sacuudi ah, oo da’diisu tahay 61 Sano jir, wuxuu ku noolaa New Zealand  ku dhawaad 25 sano, halkaas oo uu ganacsiga ku lahaa.

Ninkaani oo magaciisa lagu sheegay  Muxsin al-Zayni ayaa wiilkiisua warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan boqortooyada Sacuudiya, waxuuna yiri aabahey waxuu  ku dhex jiray masaajidka xiligii la soo weereray, waxaana soo gaaray dhaawac culus, hadana waxaa lagula tacaalayaa xaaladdiisu mid ka mid ah isbitaalada  Muqdisho.

Waxaa intaasi sii raaciyey, waxaan la xariirnay safaarada New Zealand  ee Sacuudiya si aan u ogaano Xaalada waalidkeyga, hadana waxaan u socdaalayo dalkaasi si aan si dhaw ula socdo xaalada waalidkeyga.