DAAWO:-Soo Dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dalka jibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

0
188
Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhow soo gaaray caasimadda Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho uu ku soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweyne Geelle, waxaa booqashadan ku waheliya wafdi wasiirro iyo mas’uuliyiin kale ah oo ka socda dowladda Jabuuti, waxaana lagu wadaa muddada uu ku suganyahay Muqdisho inuu kulamo la qaato madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.
Xubnaha la socda wafdiga Madaxweynaha  Jabuuti ayaa waxaa kamid ah fanaaniin Soomaaliyeed oo muddo dheer dalka ka maqnaa waxaana ka mid ah fanaaniintaas Xasan Aadan Samatar oo degen magaalada Jabuuti iyo weliba Axmed Cali Cigaal.
Sidoo kale, madaxweynaha Jabuuti ayaa xarigga ka jari doona safaaradda dowladda Jabuuti ee dhismaheeda uu dhagax dhigay booqashadii u dambeysay ee uu ku soo gaaray Muqdisho.