Talooyin fiican oo aad Waalidkaaga ku farxad galin kartid .

0
357

Mar walbo oo waalidkaa da’adiisu waynaato,  waxuu u baahanyahay daryeel gaar ah iyo inaad  jaceyl  tusto  xitaa hadii aad adiga  waynaata oo aad noqota aabo xaas  iyo caruur leh.

Waxaa jira 4 waxyaabood oo  fudud oo aan kugu kalifeyn  wax badan, hase yeeshee hadaad sameyso  farxad galineyso waalidkaaga,  sida aad ku eegi  doontaa warbixinta soo socota:

1) La xiriiri

Hadii aad kala fogtihiin waalidkii la xariir mar waliba.  In aad waalidkaa  telefoonka ka wacdo waqti ka waqti , ama si joogto ah maalinkii  dhowr jeer aad u wacdidi,  amaba xitaa aad soo booqotid  ayaa ah arin aad u wanaagsan oo kor u qaadi karto mooraalkiisa, waxuu dareemi waalidkii inuu jiro qof daryeelaayo oo jecel  isla markaana daneynaayo inuu ogaado waxyaabaha ay  baahanyihiin isla markaana  ka caawin karo.

2) guriga

Guriga ayaa ah meesha  ugu badan ee waalidka ku qaataan badanaa waqtigooda, Maaddaama ay sii waayeeloobaan,   araggoodana uu sii daciifayo ku dadaal sidii ay ugu raaxaysan lahaa hooygeeda, iftiinka guriga oo dhan xooji,  sidoo kale ka saaraa  guriga waxyaabaha ay u baahneyn  ama keeni  karaayo in ey ku kufaan amaba  culays u keeni karo dhaqdhaqaaqooda.

3) Dhaqaalaha

Markuu waayeeloobo waalidka, waxaa uu  jecelyahay inuu ku dadaalo Aakhiradiis, Waxaa laga yaabaa inuu ka fikraayo wax un inuu  sadaqeysto maalintii, ama uu saacidi dad qaraaba ah  oo aadan ogeyn  adiga baahiyadooda, marka waliidkaa u qoondee lacag, taasoo uu markuu u rabo ku caawiyo  dadka kale, waayo howlahaasi caawimaada ku saabsan waxay dhiso moraalkooda niyadeed.

4) Daryeel.

Markii la eego Marxalada uu ku jiro waalida ee gabowga ah,  waxaa muhiimah  inaad dhakhter geeysaa mar waliba oo aad waxyar oo xanuun ah ka dareento, tilaabadaasi ayaaa waxa ay dareensiini  in aad mudnaan siineyso waalidkaa noloshooda, waxay dareemayaan  markaad yareed sidii ay kuugu dadaali jirtay oo marlaba wax kugu dhacaan dhakhter kuula ordi jirtay oo kale inaad u sameyneyso.

Sidoo kale ogow dabeecadahooda cuna,  cunada ay  jacelyihiin iney qaadatoan, amaba ku haboon da’deeda,  iskuna day inaad ka caawiso inay joogteeyaan cunadaas.