Fah-Faahino Ka Soo Baxaya Dagaal Khasaare Sababay Oo Maleeshiyaad Ku Dhexmaray Gobolka Sh/Dhexe.

0
197

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed, kaasi oo la sheegay inuu ka dhashay khasaare.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Burdheere oo ka mid ah deeganada hoostagga Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha dhexe, waxaana la xaqiijiyay qaar ka mid ah maleeshiyaadkii dagaalamay inay halkaasi ku dhinteen.

Inta la xaqiijiyay afar ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa halkaasi ku dhintay, waxaa kale oo jira khasaare dhaawacyo ah oo soo gaaray labada dhinac.

Maleeshiyadka dagaalamaya ayaa isku-heysta dhul daaqsimeed halkaasi ku yaalla,waxaana lagu soo waramayaa in Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya oo horay loo kala dhex dhigay ay isaga soo baxeen, sidaasina uu markale dagaalka ku bilowday.

Labada beelood ee wada dagaalamay ayaa waxaa horay Magaalooyinka Jowhar iyo Cadale loogu qabtay shirar dib u heshiisiin ah, hayeeshee aan weli waxba kasoo bixin, waxaana lagu soo waramayaa in xaalad kacsanaan ah ay maanta ka jirto deegaanka Burdheere oo hoostagga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe.