Sahan Ra’yi aruurin: Muhaajiriintu ma yihiin cudud loo baahanyahay

0
108

Sahan ray’yi aruurineed oo la sameeyey ayaa waxaa lagu ogaaday in inta badan dadka ku nool waddamada Yurub ee qaabilo qaxootiga ay aaminsanyihiin in dadka soo galootiga ah yihiin awood loo baahanyahay oo ah cudud xojinayso dalkooda.

Sahmintaani ray’yi aruurineed ee Xarunta Pew ee Cilmi-baarista ku sameeyey18 dal oo ka mida wadamada marti-galiyey bar ka mid ah mahaajiriinta caalamka ayaa waxaa la ogaaday in badankooda u arkaaan dadka soo galootiga ah iney yihiin awood loo baahanyahay.

10 ka mid dalalkii qeybta ka ahaa sahankani oo qaarkood yihiin dalka ugu horeeyo caalamka ee qaato muhaajiriinta ugu badan sida Maraykanka, Jarmalka, Ingiriiska, Faransiiska, Kanada iyo Australia ayaa dadkooda  waxay u arkaan muhaajiriinta ku nool wadankooda in ay yihiin kuwa aan culeys ku aheyn noloshooda..

Taas caksigeeda waxaa aaminsan 5 wadan oo sahankani qeyb ka ahaa, kuwaas oo kale ah Hungary, Giriiga, Koonfur Afrika, Ruushka iyo Israel, waxayna rumeysan yihiin badankooda in muhaajiriinta ay ku yihiin culeys dalkooda.

Waa shax, tira ahaan u muujineyso wadamada sahanka lagu sameyey aragtida ay ka qabaan kuwa soo-galootiga ku ah dalkooda

Saameynta Muhaajiriinta
Wadamada sahankaani lagu sameeyey way ku kala qaybsanyihiin ra’yi ahaan sida ay u arkaan saameynta ay ku leeyihiin mihaajiriinta wadankooda. Talyaaniga iyo Booland, waxaa ay u arkaan muhaajiriintu in ay ku yihiin dalkoda culays,

Dalka Maraykanka oo ah wadanka qaabilo tirada ugu badan ee muhaajiriinta adduunka, lix ka mid ah tobankii qof oo qaangaar ah (59 boqolkiiba) waxay aaminsanyihiin in muhaajiriinta yihiin kuwa ku soo biiriyey dalkooda aqoon ,caqali iyo xirfada badan, halka saddex meelood meel ay u arkaan soo galootiga culays iyagoo cillada ka dhigaayo in ay la wareegeen xirfado iyo shaqooyin bada ay ka heli jireen faa’iidooyin bulshada.

Sida ku xusun sahankaani, wadamada Yurub qaar, ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac tirada dadka ku nool ee u arko soo-galootiga iney yihiin cudud loo bahnaa, waxaana ka mid ah dalalaka Giriigga, Jarmalka iyo Talyaaniga.

Waxaa aragti taasi ka soo horjeedda qaatay dadwaynaha ku nool dalalka Faransiiska, Boqortooyada Ingiriiska iyo Spain, iyagoo inta badani dadka ku nool wadamadaasi u arkeen muhaajiriinta in aysan culeys ku aheyn dalkooda.

STAR FM Xafiiska Muqdisho
info@starfmsomallia.com