(Akhriso):-Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Baraawe Oo Xilka Laga Qaaday.

0
78

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka & Dhulka Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed Eelaay ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka, ayaa xilkaan si rasmi ah looga qaaday C/llaahi Xuseen Cusmaan oo ahaa Maareeyaha Garoonka Magaalada Baraawe.

Lama sheegin sababta rasmiga ah ee xil ka qaadista loogu sameeyay Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe.