Fah-faahino Ka Soo Baxaya Dagaal Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Gobolka Galgaduud.

0
184

Wararka ka imaanaya Degmada Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal Khasaare gaystay.

Xalay saqdii dhexe ayaa la sheegay dagaalkaan inuu ka dhacay deegaanka Xeraale oo ay ku wada dagaalameen Ciidamo deegaanka ah iyo Ciidankii Ahlu Sunna ee ku biiray Maamulka Galmudug.

Ciidamada Ahlu Sunna ee ku biiray Maamulka Galmudug ayaa la sheegay weerarka inay qaadeen, islamarkaana ay beegsadeen Ciidan maleeshiyaad oo hab qabiil u dhisan, kuwaasi oo ku sugan deegaanka Xeraale.

Dadka deegaanka ayaa sheegay ku dhawaad saacad inuu socday dagaalka, islamarkaana labada dhinac ee halkaasi ku dagaalantay khasaare uu soo kala gaaray.

Saddex ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa la soo warinayaa inay halkaasi ku dhinteen, waxaaba jira khasaare dhaawacyo ah oo intaasi ka badan.

Maamulka Galmudug & saraakiisha Ahlu Sunna ee ku biiray Galmudug labada dhinacba kama aysan hadlin dagaalkaasi xalay ka dhacay deegaanka Xeraale.

Xaaladda ayaa lagu soo waramayaa saaka inay tahay mid degan, inkastoo ay jiraan saan saan colaadeed oo ka taagan Magaalada.