Dhageyso:-Ciidamada Kenya Oo Isaga Baxay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Gedo Iyo Al-Shabaab Oo La Wareegay.

0
243

Wararka aan ka heleyno Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in  saakay Waaberigii hore Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay isaga baxeen deegaan ka tirsan Gobolkaaas.

Ciidamadii Kenya ee ku sugnaa deegaanka lagu magacaabo Buusaar ee ku yaalla Gobolka Gedo ayaa la sheegay in ay gabi ahaanba isaga baxeen,waxaana halkaasi ay ku lahaayeen Saldhigyo Militeri.

Dad ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Buusaar,isla markaana fariisimo ka sameeystay deegaanka.

fah-fahinta warkasi abshir.