Ciidamada Dowladda Oo Soo Qabtay Madaxii Maxkamadda Al-Shabaab Ee Deegaanka Barriire.

0
218

Dowladda Soomaaliya Ayaa Sheegtay In Howlgal Ciidamada Amniga Ay Ka Sameeyeen Magaalada Muqdisho Lagu Soo Qabtay Sida Ay Hadalka U Dhigtay Dowladda Madaxdii Maxkamadda Al-Shabaab Ee Deegaanka Barriire Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dowladda Ma Aysan Sheegin Magaca Sarkaalkan La Qabtay, Hasse Ahaatee Dowladda Ayaa Sheegtay In Uu Ahaa Howlgal Qorsheysan Oo Lagu Baahsanayo Saraakiisha Al-Shabaab.

Marar Badan Oo Hore Dowladda Ayaa Sidan Oo Kale Sheegtay In Ay Qabtay Saraakiil Kala Duwan Oo Ka Tirsan Al-Shabaab.

Al-Shabaab Wax War Ah Kama Aysan Soo Saarin Sheegashada Dowladda Ee Ah La Qabtay Sarkaalkii U Qabilsanaa Garsoorka Deegaanka Barriire.