Macalin Dugsi Qur’aan Oo Saakay Lagu Dilay Degmada Waaberi.

0
284

Kooxo Hubaysan Ayaa Saakay Xaafadda Buundooyinka Ee Degmada Waaberi Waxa Ay Ku Dileen Macalin Dugsi Qur’aan Sida Dadka Deegaanka Ay Sheegayaan.

Dilka Ayaa Wuxuu Yimid, Kadib Markii Dableyda Hubaysan Afaafka Hore Dugsi Qur’aanka Ay Ku Dileen Macalinka Dugsi Qur’aanka Kadibna Ay Goobta Isga Baxsadeen.

Dadka Deegaanka Ayaa Sheegay Inay Aad Ula Yaabeen Sababta Loo Dilay Macalin Dugsiga Qur’aanka Oo Xaafadda Si Wayn Looga Garanaayay Carruurtana Waxbari Jiray.

Goobtii Lagu Dilay Macalinka Dugsi Qur’aanka Ayaa Waxaa Gaaray Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Waaberi Oo Halkaasi Baaris Ka Sameeyay, Mana Jirto Cid Ay Soo Qabteen.