(Akhriso):-Baarlamaanka Jubbaland Oo Ansixiyay Guddiga Doorashooyinka Ee La Magacaabay+Sawirro.

0
119

Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa meel meriyay guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland oo la horgeeyay Guddigaan, ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay Guddigaan.

Baarlamaanka ayaa ku ansixiyay cod gacan taag ah,waxaana Gudigan oo ka koobnaa 7 Xubnood horey u magacaabey Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Jubbaland ayaa la filayaa in dhawaan doorasho ay ka dhacdo, iyadoo Musharaxiin kala duwan ay isku diyaarinayaan loolanka Doorashadaasi.