Dhageyso:-Wasaaradda Xannaanada Xoolaha KG Oo Sheegtay In Aan La Gowrici Karin Xoolo Aan La Baarin.

0
161

Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, Muqtar Max’ed Guuleed, ayaa sheegay in aan la gowrici karin Neef aan la hubin Caafimaadkiisa.

Mudane; Muqtaar Guuleed, ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya la baari doono caafimaadka Xoolaha lagu qalayo Kawaanka gowraca ee Magaalada Baydhaba, si loo hubiyo bed-qabka Neefka.

Ammarkan ayaa yimid markii Wasiir Guuleed, xubno ka tirsan Baarlamaanka KG iyo maamulka Dowladda hoose ee Baydhabo ay kormeer ku tageen Suuqa Xoolaha iyo Kawaanka weyn ee Magaalada Baydhabo, si ay usoo Indha-Indheeyaan howlaha gowraca Xoolaha ee halkaasi ka socda iyo heerka uu gaarsiisan yahay faya dhowrkooda.

Wasiirka ayaa sheegay iyagoo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka in ay billaabeen hubinta bed-qabka iyo Caafimaadka Xoolaha lagu qalo Magaalada, si looga Gaashaanto cudurro ka dhasha Hilibka la isticmaalo.

Wuxuu sheegay in ay kulammo la qaateen ganacsatada Xoolaha nool iyo kuwa ka howl-gala Kawaannada Magaalada, iyagoo kala sheekeystay sidii loo hirgelin lahaa tallaabooyinka uu maamulku qaadayo iyo awaamiirta lasoo rogay.

dhageyso codka Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed.