Dowladaha Turkiga Iyo Sacuudiga Oo Cambaareyey Qaraxyadii Xooganaa Ee Shalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0
130

Dowladda Turkiga oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarradii Sabtidii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ku dhinteen in ka badan 10 ruux.

War ka soo baxay Wasaarradda arrimaha dibidda ayaa lagu sheegay in dowladda Turkiga ay si adag u cambaareyneyso weerarrada Qarax-yada loo adeegsaday oo lagu bartilmaameedsaday labo dhismo wasaaraddeed iyo dilka wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya.

‘’Waxaan tacsi u direynaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadii shalay, kuwa dhaawac ahna waxaa u rajeyneynaa caafimaad deg deg ah’’ ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaarradda arrimaha dibidda Turkiga.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga waxay soo saareen hadal-qoraal oo ay ku cambaareeyeen weeraradii iyo qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay inay Dowladda Sacuudiga garab taagan tahay DFS iyo dadka Soomaaliyeed sidii looga hortegi lahaa Weeraradda hubeysan iyo falalka Xag-jirnimadda waa sida hadalka loo dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Weeraradii iyo qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.