Dhageyso:-Tiradda Dadkii Ku Dhintay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho Oo Korortay+Sawirro.

0
177

Waxaa Sii Kordhay Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Gaari Loo Adeegsaday Oo Maanta Ka Dhacay Inta U Dhaxeysa Isgoysyada Dabka Iyo Sayidka Ee Magaalada Muqdisho.

Jugta Qaraxa Ayaa Laga Maqlay Guud Ahaan Magaalada Muqdisho Iyo Hareeraheeda, Maadaama Tanka Qaraxa Uu Aad U Cuslaa.

Qaraxan Ayaa Ka Dhashay Gaari Walxaha Qarxa Laga Soo Buuxiyay Oo La Hor Dhigay Maqaaxi Laga Cunteeyo Oo Lagu Magacaabo Bilsan, Taasi Oo Dadweyne Fara Badan Ay U Soo Doontaan Adeegyada Ay Bixiso.

Inta La Xaqiijiyey Ilaa 12 Ruux Ayaa Geeriyootay 20 Kalena Waa Ay Ku Dhaawacmeen.

Dadka Qaraxan Ku Waxyeeloobay Ayaa Waxa Ay Isugu Jireen Haween Hareeraha Wadada Ku Iibinayay Shaah, Dhalinyaro Ku Shaqeysaneysay Mootada Bajaajta, Caruurta Kabaha Caseysa Iyo Dad Kale Oo Maqaaxida Xilligaasi Ka Qadeynayay.

Dadka Qaraxan Ku Dhaawacmay Waxaa Ka Mid Ah Guddoomiyaha Majmaca Culimada Somaliyed Sheekh Yuusuf Cali Ceynte Oo Xilligaasi Wadada Marayay.

Sheekh Yuusuf Cali Ceynte Ayaa Ah Aabaha Dhalay C/Raxmaan Ceynte Oo Ahaa Wasiirkii Qorsheynta Dowladdii Madaweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo Kale Waxaa Goobta Qaraxa Uu Ka Dhacay Laga Arkayay Gaadiid Iyo Mootooyin Bajaaj Ah Oo Halkaasi Ku Burburay, Waxaa Kale Oo Burbur Uu Soo Gaaray Dhismayaasha Halkaasi Ku Yaallay.

Saraakiil Ka Tirsan Booliska Somaliya Gaar Ahaan Kuwa Miina Baarista Ayaa Sameeyay Baaritaano Ku Aadan Qaraxan, Waxayna Halkaasi Ka Qaadeen Haraadiga Qaraxa.

Qaraxan Ayaa Ku Soo Aaday Xilli Maanta Ay Xirnaayeen Wadooyinka Magaalada Muqdisho, Iyada Oo La Ogsoon Yahay In Horey Loo Xiray Jidcadayaasha Xaafadaha Dhexmara.

dhageyso codka goobjooge la hadlaya starfm.