(Akhriso):-Guddoonka Golaha Shacabka Oo Baaq U Diray Xildhibaanada Kadib Baaqashadii Kulankii Manta Lagu Balansanaa.

0
105

Guddoonka Golaha Shacabka BJFS ayaa Xildhibaanada ugu baaqay inay ilaaliyaan waqtiga kulamada Golaha Shacabka, kadib markii maanta uu u baaqday Kooram la’aan kulankii Golaha.

Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta la filayey in kulankooda ugu horeeya ee Kalfadhiga 5-aad ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho hase ahaatee waxaa uu u baaqday Kooram la’aan.

Guddoonka Golaha ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in xubnaha Golaha ay masuuliyad gaar ah iska saaraan ilaalinta waqtiga si looga howlgalo shaqooyin badan oo xiligan golaha Horyaala.