Dhageyso:-Qoysaska Agoonta Booliska Somaaliyeed Oo Ka Cabanaya Hakadka Mushaaraad Ciidamada Dowladda+Sawirro.

0
154

Banaanbax, Ayaa Ka Socda Afaafka Hore Ee Madaxtooyadda Villa Somaliya, Halkaasi Oo Ay Ku Banaanbaxayaan Agoonta Ciidanka Booliska.

Ciidamada Booliska Ayaan Muddo 4 Bilood Ah Qaadan Wax Mushaar Ah, Balse Waxaa Qorshaha Uu Yahay Todobaadkaan Gudihiisa Ciidamada Booliska Inay U Bilaabato Mushaaraadkooda.

Banaanbaxa Hadda Ka Socda Afaafka Hore Ee Madaxtooyadda Somaliya Ayaa Ah Mid Ay Dhigayaan Xaasaska Askar Horay Ugu Geeriyootay Dagaalada Shabaab & Dowladda U Dhaxeeya, Kuwaasi Oo Qaadan Jiray Lacagta.

Haweenkan Ayaa Ku Cabanaya Inaysan Haysan Wax Ay Siiyaan Carruurtooda, Maadaama Muddo Afar Bilood Ah Aysan Qaadan Wax Mushaar Ah Sida Ay Hadalka U Dhigeen.

Madaxda Dowladda Ayeey Sheegeen Inay Ka Codsanayaan In Si Deg Deg Ah Carruurtooda Waxa Ay Cuni Lahaayeen Loogu Soo Dhiibo, Maadaama Aabayashooda Ay Ku Nafwaayen U Dagaalamida Qaranka.

DHAGEYSO CODKA BANAANBAXYAASHA.