Wararkii Ugu Dambeyey Haweeney Ganacsato Aheyd Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

0
150

Askari ilaalo u ahaa sargaal katirsan Maamulka Hirshabelle ayaa galinkii dambe ee shalay waxa uu Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ku dilay haweeney ka ganacsan jirtay Jaadka.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in askariga dilka geestay iyo Haweeneyda uu dilay uu soo kala dhax galay muran, waxaana askariga la sheegay in muranka kadibka uu xabado ku dhuftay Haweeneyda ganacsatada aheyd.

Sida aan Wararka ku heleyno ciidamo katirsan dowlada ayaa gacanta kusoo dhigay askariga dilka geestay xili uu isku dayay in uu baxsado, waxaana gacan ku dhiiglaha lagu hayaa saldhig booliiska leeyihiin.

Maalmahan dambe waxaa Muqdisho ku kordhay dilalka ciidanka dowladda ay u geysanayaan dadka shacabka ah, iyada oo inta badan aysan dhicin in lala xisaabtamo dilaayaasha.