(Daawo Sawirradda):-Golaha Wasiirada Xukuumadda Somaaliya Oo Kulan Dag Dag Ah Ka Yeeshay Xaalada Amaan Ee Dalka.

0
139

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, Ayaa Guddoomiyay Shir Aan Caadi Ahayn Oo Golaha Wasiirradu Ka Yeesheen Amniga Dalka, Gaar Ahaan Sugidda Amniga Caasimadda.

Goloha Wasiirrada Ayaa Shirka Aad Ugu Falanqeeyay Xaaladda Amni Ee Dalka, Waxaana Warbixin Looga Dhagaystay Wasiirrada Amniga Iyo Difaaca Oo Golaha Xog Dheeraad Ah Ka Siiyay Warbixinnadii Ugu Dambeeyay Iyo Qorshayaasha La Doonayo In Al Shabaab Looga Saaro Deegaannada Ay Dalka Uga Suganyihiin

Golaha Ayaa Isku Raacay In Ay Si Aad Ah Loo Adkeeyo Amniga Caasimadda, Lana Dardar Geliyo Fulinta Qorshaha Dalka Looga Xoraynayo Ururka  Al Shabab Ee Ka Dagaalama Koonfurta Iyo Bartamaha Somaaliya.

sidoo kale Wasiiru-dowlaha xafiiska ra’iisal wasaaraha Cabdullaahi Xaamud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka golaha Wasiirrada ugu danbeyntii leysku raacay in guddi heer Wasiirro ah loo saaro sugida Amniga caasimada, islamarkaana ay soo diyaariyaan sida uu hadalka u dhigay qorshayaal lagu xaqiijinayo nabad-galyada magaalada Muqdisho.

‘’Intii uu kulanku socday Wasiirradu waxaa ay fursad u heleen mid mid in ay uga hadlaan ajandaha shirka, waxaana markii danbe leysku raacay in arintan loo saaro guddi ka kooban golaha Wasiirradda oo laga sugayo qorshayaal looga hortagayo falalka amaan darro ee ka dhaca magaalada’’ ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Xaamud ayaa intaa ku daray in weerarradii ugu danbeeyay iyo qaraxyadii ka dhacayay magaalada Muqdisho macnaheedu aheyn in Al-shabaab ay soo xoogeysteen, laakiin sida uu hadalka u dhigay marayaan maalmahoodii ugu danbeeyay lana soo afjarayo.