Dhageyso:-Maamulka Degmada Guriceel Oo Fahfaahin Ka Bixiyay Qasaaraha Dabkii Saakay Ka Kacay Gooba Ganacsi Oo Halkaasi Ku Yaalay.

0
149

Dabka ayaa saakay waabarigii hore waxa uu ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaalla Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,waxaana ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah iyo mid hantiyadeed.

Dabkaan ayaa marka hore ka bilowday Kaalin Shidaal oo ay leedahay Shirkad lagu magacaabo Beder oo kamid ah Shirkadaha ku yaall Guriceel,waxaana uu kusii fiday goobo Ganacsi oo horleh.Guddoomiyaha Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Cabdullaahi Beentaa oo wareysi dheer siiyay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa u sheegay in dabkaas uu geystay khasaaro farabadan,isla markaana uu socday dhowr saacadood,.

Sidoo kale waxa uu sheegay Guddoomiye Beentaa in deminta dabka ay ka qeyb qaateen maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Guriceel,isagoona xusay in daminta dabkaas loo adeegsaday qaabab kala duwan,hayeeshee ugu dambeyntii lagu  guuleystay in la demiyo.

warbixin dabkaasi ku saabsan cubeyd xasan ayaa inoo soo diray.