Fah-Fahino:-Ciidamada Dowladda Iyo Al-Shabaab Oo Ku Dagaalamay Degmada Qoryooley.

0
187

Wararka Naga Soo Gaaraya Degmada Qoryooley Ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ayaa Waxaa Ay Sheegayaan In Xalay Dagaal Culus Uu Duleedka Degmadaasi Ku Dhexmaray Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowladda Soomaaliya Iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka Ayaa Yimid Kadib Markii Xubno Ka Tirsan Ururka Al-Shabaab Ay Weerar Ku Qaadeen Xarumo Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowladda Ku Leeyihiin Duleedka Degmada Qoryooley Ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka Deegaanka Lagu Dagaalamay Ayaa Waxaa Ay Sheegeen In Mudo Saacad Ku Dhow Uu Socday Dagaal U Dhaxeeyey Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-Shabaab Balse Aysan Cadeyn Karin Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkaas.

Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Ayaa Warbaahinta U Sheegay In Ay  Iska Difaaceen Weerarka Kaga Yimid Dhinaca Al-Shabaab,Isla Markaana Khasaaro Ay Ku Garsiiyeen Wallow Weli Aan La Helin Dad Madax Banaan Oo Xaqiijinaya.

Wararka Ay Saakay Starfm Ka Heleyso  Degmada Qoryooley Ayaa Waxaa Ay Sheegayaan In Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Amisom Ay Wadaan Dhaq Dhaqaaqyo Ciidan Iyo Howlgallo Ay Baadi Goobayaan Dadkii Weerarka Kusoo Qaaday Saldhigyada Ciidamada Dowladda Ee Duleedka Degmada Qoryooley.

Gobolka Shabellaha Hoose Ayaa Waxaa Inta Badan Ku Dagaalama Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Ururka Al-Shabaab, Kadib Markii Al-Shabaab Ay Weerar Ku Qaadaan Saldhigyada Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Amisom Ku Leeyihiin Gobolkaas.