Waa Sidee Xaalada Muqdisho Kaddib Amarkii Xalay Ka Soo Baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

0
187

Waxaa Saakay Dib U Shaqeynaya Gaadiidka Dadweynaha Ee Magaalada Muqdisho, Kaddib Amarkii Xalay Ka Soo Baxay Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow  Oo Ku Dhawaaqay In Xaalad Deg Deg Ah Lagu Soo Rogay Magaalada.

Dadka Reer Muqdisho Oo Maalmihii Ugu Danbeeyayba Wajahayay Ciriiri Dhinaca Isku Socodka Ah Ayaa Filayay Saakay In Aysan Jirin Doonin Wax Gaadiid Ah Oo Ka Shaqeynaya Magaalada Muqdisho, Madaama Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Uu Sheegay In Ay Bilaabanayaan Howlgallo Culus Oo Lagu Xaqiijinayo Amniga Maamulkana U Diyaariyay Dadweynaha Basaas Soo Qaada Dadka Inta Ay Howlgaladu Socdaan.

Isgoys-Yada Muhiim U Ah Isku Socodka Dadka Iyo Gaadiidka Ayaa Lagu Arkayaa Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowladda Somaaliya Oo Baaritaanno Xooggan Ku Haya Gaadiidka Isaga Kala Goosha Magaalada Gudaheeda.

Marka Laga Soo Tago Amarka Xalay Ka Soo Baxay Duqa Muqdisho Ilaa Iyo Hadda Ma Jiro Wax War Ah Ay Soo Saareen Saraakiisha Hay’addaha Amniga.