Dhageyso:-Banaanbax Ka Dhashay Dilka Wade Mooto Bajaaj Oo Ka Dhacay Muqdisho Iyo Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Hadlay.

0
88

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda Banaanbax ay dhigayaan dhalinyarada Mootooyinka Bajaajta kaxeysa, kuwaasi oo ka careysan dil loo gaystay wiil Bajaajle ahaay.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Waaberi kadib markii askari ka tirsan Ciidamada Minishiibiyada uu dilay wiil Mooto Bajaaj watay.

Dhalinyarada Mooto Bajaajta ayaa banaanbaxooda ka soo bilaabay Isgoyska Dabka waxayna ku yimaadeen Isgoyska Ceelgaabta.

Dhalinyarada ayaa si wayn kaga carooday falka dilka ah ee mooto Bajaajlaha loo gaystay, waxaana ay ku qaylinayeen in cadaaladda la horkeeno askarigii dilka gaystay.

sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa si adag u cambaareeyay falkii dilka loogu geystay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa wadayaasha Mooto Bajaajka, marxuumkaas oo maanta lagu dilay Degmada Waaberi.

Eng. Yariisow ayaa Hey’addaha Amniga faray in sida ugu dhaqsiyaha badan cadaalada loo horkeeno Dambiile Maxamed Deeq Cabdi Aadan oo ka mid ah ciidamada ilaalada Deegaanka Xamar oo asiga geystay falkan dilka ah.

Waxa uu Duqa Muqdisho tacsi u diray eheladii uu ka baxay marxuumkii la dilay, asigoona u balan qaaday in Dambiilaha sida ugu dhaqsiyaha badan cadaalada loo horkeeni doono.

Sidoo kale Duqa Muqdisho waxa uu carabka ku adkeeyay in aan loo dulqaadan doonin falalka nuucaan oo kale ah ee soo noq noqday muddooyinkaan danbe, asigoona xusay in uusan aqbali doonin in dhalinyaradeena shaqo abuurka sameystay ee bulshada u adeegaya si micno darro ah ku dhintaan.