Dhageyso:-Guddiga Amniga Oo FahFaahin Ka Bixiyay Howlgallo Laga Sameeyay Magaalada Muqdisho+Sawirro.

0
192

Saacadihii Ugu Danbeeyay Waxaa Magaalada Muqdisho Qeybo Ka Mid Ah Howlgal Lagu Xaqiijinayo Nabad-Galyada Ka Sameeyay Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Booliiska Soomaaliya, Waxaana Uu Howlgalkan Qeyb Ka Noqonayaa Amarkii Ka Soo Baxay Maamulka Gobolka Banaadir Ee La Xiriiray Sugida Amniga Magaalada.

Ciidamada Ayaa La Arkayay Iyaga Oo Baarayaa Guryaha, Iyo Ciidamada Qaarkood Oo Baaritanno Ku Sameynaya Dadka Jidadka Lugeynaya.

Guddiga Amniga Ee Loo Xilsaaray Ammaanka Magalada Muqdisho, Kuwaas Oo Ka Kooban Wasiiro, Saraakiisha Cidan Iyo Gudoomiyaha Gobolka Ayaa Faah Faahin Ka Bixiyay Howlgalada Socda.

Guddoomiye Ku-Xigeenka Amniga Iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax Ayaa Sheegay In Kulan Ay Yeesheen  Guddiga Looga Wada Hadlay Xaalada Ami Ee Muqdisho, Sidoo Kalena Ay Kormeereen Goobaha Ay Howlgallada Ka Socdaan, Isaga Oo Intaa Ku Daray In Howlgalladan La Sii Wadi Doono Ilaa Laga Xaqiijiyo Nabad-Galyada Guud Ahaa Magaalada.