Wararkii Ugu Dambeeyay Is Mari Waa Ka Taagan Furitaanka Kalfadhiga Aqalka Sare.

0
75

Is mari waa ayaa ka taagan cida leh hab maamuuska Furitaanka kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka, iyadoo saacad ay dib uga dhacday xafladii lagu furi lahaa Kalfadhiga 5aad Aqalka Sare.

Guddoonka Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa isku haya furitaanka, iyadoo xubnaha Guddoonka ay ku adkeysanayaan in Ra’iisul Wasaaraha uu yahay marti sharaf ka qeyb gale ah, halka dhankiisa uu dalbanayo in uu isaga furo.

Ilo ku dhow dhow Aqalka sare ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu doonayo inuu kalfadhiga furo, haddii kale uu goobta ka tagayo, sidoo kale Guddoonka ayaa ku adkeysanaya in Ra’iisul Wasaaraha aanu laheyn hab maamuuska furitaanka, haddii uu Madaxweynaha maqan yahay uu Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi uu dastuuriyan leeyahay inuu furo.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu waday inuu furo Kalfadhiga 5aad Aqalka sare ayaa ka baaqday, waxaana la sheegay inuu soo diray Ra’iisul Wasaaraha.

Labo sano ka hor ayay aheyd markii labada Aqal ee Baarlamaanka uu kalfadhigooda isku mar u furi jiray Madaxweynaha, hase ahaatee labadii Kalfadhi ee la soo dhaafay ayuu Aqalka Sare noqday mid si gaar ah u furta Kalfadhiyadiisa.