60 sano ka dib .. Biljamka oo raaligelin ka bixiyay dhibaatooyinkii ay u geysteen carruurta Afrika xilliyadii gumeysiga

0
35

Dowladda Biljimka ayaa raaligalin ka bixisay tacadiyadii isugu jiray afduubkii, tarxiilka iyo qafaalka aan kala soocida laheyn ey kula kaceen kumanaan carruur ah xilligii ay gumeysan jireen wadmadda Burundi, Congo iyo Rwanda.

Ra’iisul Wasaaraha Biljam Charles Michel ayaa baarlaanka hortiisa raali galintaani ka bixiyey waxuuna yiri” intii uu socday gumeysiga Biljam ee Afrika, dawladdu waxay ku sameysay dadyowgaasi midab takoor jinsiyadeed iyo falal xadgudub ku ahaa xuquuqda aasaasiga ah ee dadkooda”

Wuxuu intaa ku daray “Waxaan qirayaa dhibbaatooyinkaasi in uu Gumaystihii Biljam u geystay Afrika, Anigoo ku hadlaya magaca dawladda federaalka ah ee Bilgam, waxaan raaligelineynaa dadkii la soo afduubay, qoysaskii ay ka soo jeedeen iyo hooyooyinkii ubadkooda laga soo waday ee caddaalad darrada iyo dhibaatooyin uu ka soo gaaray gumeysiga Biljam” .

Dowladda Bilgam ayaa sanadkii la soo dhaafay qaaday tallaabooyinka dib-u-qiimeyn ah oo loogu eegayo taariikhdeediu gumeysiga Biljam ee Afrika.

sida ay sheegaan taariikhyahanada, tirada carruurta ee la kala geeyeey iyaga iyo waalidiintooda waxaa lagu qiyaasay 10 kun illaa 20 kun, waxayna ku xareyn jireen xarumaha agoonta iyo dugsiyo ay maamusha Kaniisada Katooliga.

Raaligalintaani ayaa imaatay waqti uu sii kordhaayo cadaadiska ay ku hayaan dadka soo galootiga ah iyo jiilalka yaryar ee ka soo jeedo Afrika siyaasiyiinta Reer Yurub, taaso ay ku doonayaan in bulshada reer Yurub la tuso taariikhdoodii gumeysi si loo dhimo cunsiriyada iyo takoorka ay ku hayaa bulshooyinka kale ee la nool.

Nidaamkii midab takoorka “Apartheid” ayaa ahaa mid ka mid ah tiirarkii uu  ku dhisnaa xukunkila gumeystahii Bilgam ilaa iyo dhammaadkii 1950, xitaa Kaniisaddooda Katooliga ah ma ogoleyn in ay isu guuriso dadka kala isirka ah waqtiya dhaw.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com