Deegaanka Goobweyn oo uu wabiga jubba fatahaad ka sameeyey.

0
66

Webiga Jubba ayaa ku fatahay Deegaanka Goobweyn halkaas oo ay ka dhalatay saameyn xooggan.
Waxaa hakad galay goobihii Waxbarashada,Ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha ,waxaana gabi ahaanba laga barakacay xaafadda Towfiiq ee deegaanka Goobweyn ka dib markii ay biyo buuxsameen.

Sidoo kale waxaa burburay dalagii beeraha ee ku teedsanaa Jiinka Webiga Jubba sida uu u xaqiijiyay Warbaahinta guddoomiyaha deegaanka Goobweyn Cumar Cabdi.

Taliyaha Ciidanka Jubbaland Generaal Aadan Maxamuud Ibraahim oo kormeeray dhibaatada ka dhalatay Fataahadda ayaa shacabka Jubbaland ugu baaqay in la garab istaago walaalahood.