Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa kula kulmay Danjiraha cusub ee Dowladda Sweden.

0
30

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Danjiraha cusub ee Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Staffan Tillander.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood iyo labada shacab, iyo sii wadidda taageerada dowladda Sweden ay qaybta uga qaadato dib u kabashada Soomaaliya.

Sweden waxa ay ka mid tahay dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya, waana dalka afaraad ee dhaqaalaha ku bixiya Sanduuqa taageerada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa October 16, 2019 warqadaha safiirnimo ka guddoomay danjire Staffan Tillander oo bedelay safiirkii hore ee Sweden, Andreas von Uexküll.