Xildhibaanada Dawlada Fedraalka oo kulankoodii Caadi ahaa Maanta ku yeelanaayo Muqdisho.

0
54

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay kulan ku yeeshaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ah midkii lixaad ee Golaha Shacabka ayaa saacadaha soo socda furmi doona Xarunta Villa Hargeysa ee ku dhex taalla Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay loo diray fariimo ku aadan in Maanta uu jiro kulanka, isla markaana laga doonayo inay ka soo qeyb galaan.

Ajandaha Kulanka ayaa Ah Akhrinta 3aad ee Wax ka Badelka Sharciga Iibka Qaranka iyo Akhrinta 3aad Wax ka Badelka Sharciga Furdooyinka.

Xildhibaanada baarlamaanka fedraalka ayaa inta badan marka ay jiraan kulamada waxaa lagu wargaliyaa habeenkii ayaga oo loo soo diro fariimo.