Alshabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka baar sanduuni ee gobolka Jubbada Hoose.

0
27

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal AlShabaab & Ciidamada Jubbaland ku dhexmaray duleedka Magaalada Kismaaayo.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan AlShabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jubbaland ee deegaanka Baar Sanguuni, halkaasi oo labada dhinac si adag isugu fara saareen.

Dagaalka oo la sheegay inuu ahaay mid culus ayaa dhinacyadii dagaalamay waxa ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, kaasi oo dhaliyay khasaare.

Dhinacyada dagaalamay ayaa lagu soo waramayaa in uu gaaray khaasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, hase ahaatee Alshabaab ayaa war ay baahiyeen waxa ay ku sheegeen in ay dileen 5-askari oo ka tirsan ciidamada dowladda 9-kalana ay dhaawaceen.

Sarakiisha ciidamada dowladdu wax war ah kama aysan soo saarin dagaalkaas waxaase jirta Alshabaab in ay sidaan oo kale dhowr jeer weeraro uga geysteen deegaanka Baar-saanguuni ee ku yaalla duleedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.