James Swan ayaa walaac ka muujiyay saameynta ka dhashay fatahaadaha wabiyada Shabelle iyo Jubba

0
40

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa walaac ka muujiyay saameynta ka dhashay fatahaadaha wabiyada Shabelle iyo Jubba ee kumanaanka qof ee ku dhaqan Gobolada Koofureed ay ku yeelatay saameynta.

Mr Swan ayaa sheegay Hey’adaha caalamka ay diyaar u yihiin inay taageeraan dadaalada loogu gurmanayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

“Waxaan aad uga xumahay dhibaatada weyn ee daadadku ku hayaan dadka Soomaaliyeed, waxaana aad uga walaacsanahay xaaladda dadka ku waayey guryahooda iyo noloshoodii. Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen waxaan u rajaynayaa soo kabasho degdeg ah dhamaan dadka ku waxyeeloobay fatahaada wabiga”ayuu yiri James Swan.

James Swan ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay diyaar u tahay inay la shaqeyso dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, si loo taageero dadka ay dhibaatadu saameysay.

Waxaa uu sheegay in roobabka mahiigaanka iyo daadadka ka dhashay fatahaada wabiyada Shabelle iyo Jubba oo is biirsaday ay saameyn ku yeesheen deegaanada maamul goboleedyada Jubbaland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Mr. Swan ayaa sheegay in xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadamnimada iyo hey’adaha  samafalka ay la shaqeynayaan mas’uuliyiinta in si deg deg ah ay ku gaarsiiyaan gurmadka lagu badbaadinayo dadka dhibaataysan.

“Barnaamijka Cuntada Adduunka wuxuu diyaarinayaa diyaarado helicobter ah, oo u gogol xaaraya taageeridda dadaallada waxqabadka bani’aadamnimada ee magaalada Beledweyne iyo goobaha kale ee ay dhibaatadu saameysey. Waxaan aad ugu mahad naqayaa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya in si ku meel gaar ah loo adeegsado helikobtarrada si aan gacan uga geysto fulinta hawlgallada baadigoobkaoobidda iyo sama tabbixinta dadka ku waxyeeloobay fatahaadaha”