Baarlamaanka oo ansixiyay Xisaab xirka Miisaaniyadii sanadkii 2017

0
103

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ansixiyay xisaab xirka miisaaniyada sanadka 2017, taasoo aheyd miisaaniyadii u horeeysay ee dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Kulan maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ayaa lagu horkeenay xisaab xirka Miisaaniyadda sanadka 2017, taasoo horay Baarlamaanka dib ugu celiyay Wasaaradda Maaliyadda, kaddib qaladaad laga dareemay.

Xisaab xirka Miisaaniyadda ayaa waxaa ansixisay 128 Xildhibaan, halka 8 Xildhibaan diiday, waxaa ka aamusay 5 Xildhibaan.

Miisaaniyadda sanadkii 2017 oo gaareyso 245, 566,045 ayaa doodo badan ka dhalatay, kaddib markii Xildhibaanada ay ku eedeeyeen Hey’addaha dowladda inay si qaldan loo isticmaalay miisaaniyada qaar, ayna caddeyn xisaab xirka iyo qarashaad maqan halka loo isticmaalay.

Waa xisaab xirkii u horeeyay ee ay sameyso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo lagu dhaliilayay in tan iyo markii la doortay aanay xisaab xir miisaaniyad sameyn, iyadoo sanad ka harsan yahay muddo xileedkeeda.

Khamiistii la soo dhaafay ayay aheyd markii Golaha Wasiirada ay ansixiyeen miisaaniyada sanadka soo socda 2020, taasoo gaareysa afar boqol oo milyan.