Gargaar ka yimid dawlada jabuuti oo soo gaaray magaalda muqdisho.

0
12

Dowladda Jabuuti ayaa Somaliya u soo dirtay diyaarad sida gargaar, taasi oo loogu talo galay shacabka Magaalada Baledweyne ee ay saameysay fatahaada ka dhashay Biyaha Wabiga.

Diyaarada sida deeq gargaar ah oo isugu jirta daawo iyo agab kale oo ah wajigii labaad ee gurmadka dowladda Djabouti ayaa soo gaartay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaana la wareegay gargaarkaas guddiga gurmadka Qaran ee fatahaadda.

Guddiga gurmadka fatahaada ee Xukuumadda Somaliya oo la wareegay gargaarkan ayaa sheegay sida ugu dhaqsiyaha badan in loo gaarsiin doono shacabka Magaalada Baledweyne.

Dadka reer Hiiraan oo ku sugan xaalad adag oo dhanka nolosha ah ayaa hadda dareemaya inay heleen gurmad kala duwan oo kaga yimid Shacabka Somaliyed & qaar ka mid ah dalalka deriska.

Inkastoo xaafadaha qaar ee Magaalada Baledweyne fatahaada Biyaha Wabiga ay ka sii yaraaneyso haddana wali waxaa Magaalada ka taagan xaalad adag oo haysata Bulshada reer Hiiraan.