Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi  uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beledweyne(SAWIRRO)

0
27

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi  uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay fatahaado saameeyeen.

Madaxweynaha Maamulka hir-Shabeelle Maxamed cabdi Waare iyo masuuliyn ka tirsan Maamulka gobolka Hiiraan ayaa Madaxweyne Farmaajo ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa shalay gaaray wafdi ay ka mid yihiin Wasiirka Waxbarashada Cabdulaahi Goodax iyo Wasiirka Caafimaadka Fowsiyo Abiikar Nuur.

Dowlada Federalka ayaa hore ugu baaqday in gargaar degdeg ah lala gaaro iyadoo la rejeynayo in Madaxweyne Farmaajo uu ku dhowaaqo deeq lacageed oo la siinayo shacabka ku barakacay fatahaadaha Beledweyne.