Ahlusuna ayaa ka hadlay xaaladaha is bedelka ee saacadihii la soo dhaafay gashay deegaano ka tirsan Galmudug.

0
12

Sheekh Maxamed Shaakir oo ka mid ah Hoggaanka Ahlusuna ayaa ka hadlay xaaladaha is bedelka ee saacadihii la soo dhaafay gashay deegaano ka tirsan Galmudug, kaddib markii Ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaano ay ku sugnaayeen ciidanka Ahlusuna.

Waxaa uu sheegay in aanay diyaar u aheyn dagaal ka dhaca deegaanada Galmudug, isagoo xusay in waxyaabaha dhacay uu yahay arrin aanay ka maleysaneyn oo dowladda uga yimid.

“Runtii waxyaabaha iyo qalalaasaha hada dhacay wax cusub ayay nagu noqdeen, waxyaabo aan ka maleysaneyn ayaa xaga dowladda inooga yimid, annaga haddii aan nahay Ahlusuna, ma rabno xabad inay dhacdo, hal qof inuu naga dhaawacmo iyo hal qof inuu naga dhinto, bulshadeena iyo deegaanadeena uma rabno dagaal”ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Mar uu ka hadlay ciidamada dowladda ee la wareegay xarumahoodii Dhuusamareeb, Guriceel iyo deegaano kale ayuu sheegay in arrintaas waxba ka jirin, isagoo xusay in deegaanadaas aanay u baahneyn dadkii xoreeyay in la niyeysto oo laga xoreeyo, isagoo xusay in wada hadal ay ku jirto xaalada.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa saacadihii la soo dhaafay ka jiray deegaano ka tirsan Galmudug, iyadoo si tartiib tartiib ay u muuqato in awooddii Ahlusuna inay meesha ka sii baxeysay oo ciidanka dowladda la wareegay goobo muhiim ah.