Saldhiga ciidanka booliska ee Guriceel oo taliye loo magacaabay.

0
22

Kadib markii shalay si buuxda Ciidanka dowladda Federalka Somaliya ay gacanta ugu dhigeen ammaanka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa dowladda Somaliya waxa ay Taliye u magacowday Saldhiga Booliska Guriceel.

Taliska Boolisla Somaliya ayaa Taliyaha Saldhiga Degmada Guriceel u magacaabay Zakariye Cali oo ka tirsan Ciidamada Booliska.

Ninkaan oo dhalinyaro ah ayaa ka tirsan Ciidamada Booliska qaybta Galmudug, waxaana uu ka soo shaqeeyay muddo.

Ciidamada Booliska dowladda Federalka Somaliya ayaa si toos ah u maamulaya Saldhiga Magaalada Guriceel, kadib markii ay ka baxeen shalay Ciidankii Ahlu Sunna.

Ammaanka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa wuxuu yahay mid wanaagsan tan & markii shalay Ciidamada dowladda ay gudaha u galeen Magaaladaasi.