DEG DEG:-Guddoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Sh/Hoose Oo La Dilay.

0
22

Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose Cumar Maxamud Cilmi “Cumar Carrabey” Ayaa Lagu Dilay Weerar Lagu Qaaday Gurigiisa Oo Ku Yaalo Degmada Afgooye.

Kooxo Hubeysan Ayaa La Sheegay Inay Guriga Guddoomiye Ku Xigeenka Ku Weerareen Bam Gacmeed Taasoo Keentay Dhimashadiisa.

Ilaa Hadda Faahfaahin Dheeraad Ah Lagama Helin Dilka Guddoomiyaha, Mana Jirto Koox Sheegatay.

Waxaa Loo Badinayaa Inay Dilkaan Ka Dambeyso Kooxda Al-Shabaab Oo Dagaal Kula Jirto Dowladda Soomaaliya Iyo Ciidamada AMISOM.

Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowladda Soomaaliya Ayaa Gaaray Guriga Guddoomiyaha Lagu Dilay.

Wixii Kusoo Kordha Kala Soco starfmsomalia.