Warbaahin ku hadasha afka alshabaab ayaa soo bandhigtay ragii weerarka ku qaaday Balli-doogle

0
16

AlShabaab ayaa soo bandhigay ragii weerarka ku qaaday Xerada Ciidanka Mareykanka ee Balli-doogle 30-kii September, kadib dagaal qaraxyo ku bilowday oo Shabaab ay ku qaadeen Xeradaasi.

Muuqaal ay soo bandhigeen Shabaab oo sida la sheegay uu ku jiro Amiirka Shabaab Abuu Cubeyda ayaa laga dhex arkaayay isaga oo sagootinaayo Askartii weerarkaasi fulisay, islamarkaana marxabeynaya.

Amiirka Shabaab ayaa farriin hanjabaad ah wuxuu u diray Dowladda Mareykanka, waxaana shacabka dalkaasi oo waydiiyay halka lagu bixiyo canshuurta laga qaado.

Hadaba waxaan rabaa inaan halkan fariin uga diro shacabka Mareykanka ee canshuurta ku bixiya gumaadka Ummadeena la dagaalanka diinteena, boobka kheyraadkeena iyo taageerida khawanada dowladda Federalka Shacabka Mareykanka waxaan leeyahay: ma isweydiiseen howlgallada uu ciidankiinu ka wado Soomaaliya, marna mala xisaabtanteen xukuumadiina oo ma weydiiseen waxa lagu qabto canshuurta leydinka aruuriyo iyo halka ay ku baxdo, ma isweydiiseen waxa ay AFRICOM ku heyso caruurteena” ayuu yiri Sheekh Abuu Cubeyda.

Inkastoo Shabaab ay weerareen Xerada Ciidamada Garoonka Balli-doogle haddana weerarkaasi guulo la taaban karo Shabaab kama aysan gaarin.

Askarta ay soo bandhigen Shabaab ma aysan shaacin tiradooda, balse waxa ay ahaayeen kuwii qaaday weerarkii Xerada Ciidanka Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha hoose.